Ugu yaraan 40 muhaajiriin oo kasoo jeeda qaar ka mida dalalka Africa ayaa ku dhintay, dhawaad 80 kalana way ku dhaawacmeen madaafiic xalay lagu garaacay xero ay ku jireen dad muhaajiriin ah oo ku taalla dueedka magaalada Tripoli ee dalka Libya.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Libya ayaa sheegay in tirada dhimashada dadka lagu laayay xerada degmada Tajoura ee bannaanka caasimadda Libya ay intaasi ka badnaan karto.

Wuxuu intaasi raaciyay in hadda ay shaqaalaha gargaarka dag dagga ah ay wali daad gureynayaan meydadka iyo dadka dhaawaca ah.

Bayaan kasoo baxay dowladda ay beesha caalamka aqoonsantahay ee Libya ayaa lagu cambaareeyay weerarka. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka danbeeyo janaraalka awoodda badan ee Khalifar Haftar.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday xarunta lagu hayay dadka muhaajiriinta ah ee Libya.

Ururka Midawga afrika ayaa dhaleeceeyay weerarkaasi, waxaanay ku tilmaameen in uu yahay mid bahalnimo ah.

Guddoomiyaha Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku baaqay in guddi madax banaan loo diro baadhitaanka weerarkaasi lagu hoobtay ee ka dhacay wadanka Libya.

Hay’adda Qaxoontiga aduunka u qaabilsan ee UNCHR ayaa iyaduna walaac xoog leh ka muujisay weerarka diyaaradeed ee lagu dilay dadka badan ee ka soo jeeda qaarada afrika, kuwaas oo ku xidhnaa xabsiga ku lagu magacaabo Tajoura.

“UNHCR Waxa ay si weyn uga walaacsan tahay weerarka diyaaradeed ee lagu beegsaday xabsiga Tajoure, kaas oo lagu dilay dad badan oo muhaajiriin ah.

Shacabka maaha in la bartilmaameedsado” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay UNHCR.
Weerarkan lagu laayay dadka badan ayaa loo jeedinaya cambaarayn, waxaana la isku raacay in uu yahay kii ugu xumaa in ee in dhaweyd ka dhacay dalkaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga