Laba Qarax Ayaa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho, Mid Kamid Ah Labadaas Qarax Ayaa Ka Dhacay Isgoyska Dabka Halka Kan Kale Uu Ka Dhacay Dhabarka Dambe Ee Hotel Maka Al-Mukarramah. Qaraxyadaas Ayaa Ahaa Kuwo Lagu Xidhay Laba Baabuur Oo La Sheegay In Mid Kamid Ah Uu Lahaa Prof Yaxye Shiikh Caamir Oo Kamid Ah Dadka Magaca Ku Dhex Leh Bulshada Rayidka Ah.

Wararku waxay sheegayaan in uu Qaraxa Ku Dhintay Cumar Shiikh Caamir Oo La Dhashay Prof Yaxye Sheekh Caamir.

Lama Oga Sababta Loo Bartilmaameedsaday Gaadhiga Prof Yaxye Oo Ah Aqoonyahan Bartay Cilmiga Dhaqaalaha, Islamarkaana Ah Macalin Ka Shaqeeyay Qaar Ka Mid Ah Jaamacadaha Muqdisho.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan.Balse magaaladda Muqdisho Ayaa U Muuqata Mid Wajaheysa Amaan Darro Waxaana Maalmihi Ugu Danbeeyay ka Dhacayey Falal Dilal Iyo Qaraxyo Isugu Jira.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga