Kumaan qaxoonti Soomaali  ah ayaa guuraya , ka dib markii ay dawladda Erirtea go’aansatay in la xidho xerada kaliya ee qaxoonti ee ku  taalla dalkaasi.

Hay’adda qaxoonti ee Qaramada Midoobay UNHCR, ayaa ka  codsaday dawladda in ay kala shaqayso sidii amaan loo siin lahaa  kuwo caawimada ka raadinaya ERITREA , dadka qaarkood oo ku jiray xerada 20 sanno, ayaa isaga haajiray, waxaana ay ku sugan yihiin ETHIOPIA .

Dalka ku yaalla  Waqooyi Bari Afrika,  waxa lagu eedaynayaa tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha  iyo xuquuqda diimaha, Kiniisada mad-habta Protestan-ka oo hawlgelaysayey  ERITREA illaa 1950-yadii, ayaa shati raadinaysay illaa 2002, waxaana Af-hayeen u hadlay  Greg Muselman uu sheegay in ay taageeri doonaa CIA-da iyo reer Galbeedka oo isku dayaya in ay afgambiyaan dawladda uu hogaamiyo Isias Afwerki .

Dawladda  ERITREA ayaa aqoonsan  Kiniisadaha Ordodhox-ka  iyo Chatolic-ka iyo mad-habta  Sunniga ee Islaamka, iyada oo hore loo xidhay Kiniisada Protestan-ka , waxaana  dadka aaminsan mad-habtaasi ay kulmaan guryaha oo ay ku cibaadaystaan.

Warbixin ay soo saartay waaxda arrimaha  dibeda Mareykanka 2010-kii ayaa lagu sheegay in Masiixiyiintu dalkaasi ka yihiin 50% Muslimiintuna yihiin 48% yihiin ,laakiin  warbixin ay soo saartay xarunta ACS-Italia 2017 in Muslimiintu yihiin 49 % halka Masiixiyiintu yiihiin 48.4% halka 2 % ay aaminsan  yihiin dhaqameedyo iyo xayawaanka

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga