Talaabooyin lagu doonayay in lagu qaboojiyo qalalaasaha dhaqaalaha ee Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in uu guul daraystay iyada oo suuqyada ay aad u sabaynayaan.

Waxaa kale oo meel xun maraya muranka ka dhaxeeya Maraykanka iyo Turkiga, iyada oo madaxweyne Erdogan uu Maraykanka ku eedeeyay in uu “Dhabarka naga toogtay” waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maraykanka ayaa todobaadkii hore Turkiga kusoo rogay cunaqabatayn kadib markii dowladda Turkiga ay diiday in ay celiso baadari Maraykan ah oo lagu hayo dalka Turkiga.

Cunaqabataynta kadib, suuqyada ayaa aad u sabeeyay, islamarkaasna qalqal u sameeyay. Bangiga Dhexe ee Turkiga oo isku dayay in uu wax ka qabto arrimaha suuqa ayaa ku guul daraystay.

Erdogan oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Ankara ayuu yiri “Dhinac waxaad ka muujinaysaan in aad tihiin garab noo haya iskaashi istaraatiiji ah, dhanka kalena xabbad ayaad kor noogu rideysaan”.

“Waxaan iskula jirnaa NATO, dhanka kale dhabarka ayaa toori naga galinaysaan” ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa qaba in sicir bararka ka dhacaya Turkiga ay ugu wacanyihiin shirqoolo uu sheegay in loo maleegayo dalkiisa, ee aysan ahayn xaalado dhaqaale xumo oo rasmi ah oo soo wajahay Turkiga.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ay tallaabooyin sharciga waafaqsan ka qaadayso 346 ciwaan oo baraha bulshada ah oo lasoo dhigay qoraalo looga hadlayo arrimaha sicir bararka.

Turkiga iyo Maraykanka waxa ay isku hayaan baadariga diinta masiixiga Andrew Brunson oo illaa 2016-kii ku xiran Turkiga, isaga oo ku eedeysan xiriir uu la yeeshay kooxaha Kurdiga iyo Gulen ee uu hoggaamiyo waddaadka Fatxullaah Gulen oo ku nool Pennysylvania, Maraykanka.

Taageerada uu Maraykanka siiyo kooxaha Kurdiga ee la dagaalama Daacishta Suuriya ayaa ah arrin kale oo Turkiga uu ku qoomay Maraykanka.

Arrinta ah isu dhowaanshaha Turkiga iyo Ruushka ayaa ahayd arrin uu Maraykanka jecleysan.

Labada dalka ee Turkiga iyo Maraykanka waxa ay ku wada jiraan gaashaanbuurta NATO, waxaana Turkiga ka furan saldhigga Incirlik ee xagga cirka oo NATO ay ka fuliso hawlgalada ka dhanka ah Daacish, waxaan jira culeesyo gudaha oo isa soo taraya oo Erdogan loogu baaqayo in uu xiro saldhiggaas.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa canshuuro dheeraad ah kusoo rogay birta Turkiga u dhoofiyo Maraykanka kadib markii Turkiga diiday wareejinta baadariga.

Lacagta Turkiga ayaa hoos u dhacday 20% qiimihii looga kala sarifan jiray doolarka. waxaa kale oo dhacday in suuqyada ay sabeeyeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga