Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in Sirdoonka Dalka Sacuudiga ay Cabsi Ku abuurtay cajaladihii sirta ahaa ee la xidhiidhay dilka Jamal Khashoggi, kaas oo Ankara ay la wadaagtay xulafada reer galbeedka.

“waa wax laga cabsado Cadaymaha ay sheegayaan Turkiga,” sarkaal ka tirsan sirdoonka Sucuudiga ayaa sidaas sheegtay.

Khashoggi, ayaa bishii Oktoobar 2-deedii lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, Madaxwayne Erdogan ayaa Dilkaas ku edeeyay in Masuuliyiinta ugu Sareeya Sacuudigu amar ku Bixiyeen.

Madaxwaynaha Turkiga oo Dalka dib ugu soo laabtay kadib Booqasho uu usbuuc ku Joogay Faransiiska, ayaa u sheegay Warbaahinta in uu hogaamiyayaasha Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Canada iyo Jarmalka uu kala hadlay dilkii suxufiga Sacuudiga u dhashay.

“Waxaan u Haynaa cajaladaha Cadaymaha ah ee ku saabsan dilka Jamal Khashoggi, Dalkasta oo naga doonaya, oo ay Kamid yihiin, Mareykanka, Faransiiska, Canada, Germany, Ingiriiska” ayuu yidhi Madaxwayne Erdogan.

Erdogan ayaa sheegay in Sacuudigu cadeeyeen in dilka La qorsheeyay iyo in amarku uu ka yimid Masuuliyiinta ugu sarreeya Sucuudiga.

“Waa in la Cadeeyaa cidda iyaga siisay amarka dilka.”ayuu yidhi Madaxwayne Erdogan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga