Waxaa Isaasoo Taraysa Dawladdaha Muslimiinta ee Ka Jawaabaya 49-Ruux oo Muslimiin ah Kuwaas oo Lagu Laayey Toogasho ka Dhacday Laba Masaajid oo Ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Turkiga.

Madaxwaynaha Dalka Turkiga Recep Dayib Erdogan oo si Adag uga Hadlay Weerarkan, ayaa ugu Horayn Tacsi u Diray Dadkii Muslimiinta ahaa ee Lagu Laayey Weerarkaasi.

Erdogan Wuxuu Canbaareeyay Weerarkaasi Muslimiinta Lagu Beegsaday, isaga oo Toogashadda Ku Tilmaamay “Mid aad Loo Dhaleeceeyo”

Afgaanistaan

Safiirka Waddanka Afghanistan u fadhiya Australia, New Zealand, Wahidullah Waissi, ayaa sheegay in saddex qof oo Afganistaan ah ay dhaawacmeen Weerarka.

“Waxaan Tacsi u Dirayaa qoyska Dadkii reer Afqaanistaan ee lagu  toogtay dhacdadan naxdinta leh.”

Pakistan

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa ku eedeeyay Waddanka New Zealand in ay Sabab u yihiin Weeradda Islaam Nacayba ee ka dhacay Waddankaasi.

“Waxaan si adag waan u cambaareynaynaa Weerarka Aragagixisadda ee ka dhacay Magaladda Masaajidadda ku yaala Magaaladda Christchurch, taasina waxa ay xaqiijineysaa in argagixisadu aysan ahayn Mid haysanata diin Khaasa.”ayuu kuyidhi Qoraal uu soo Dhigay twitter-kiisa.

Indonesia

Wadanka Indonesia ayaa si adag u cambaareeyay Toogashadan.

“Xukuumadda iyo dadka reer Indonesia waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhibbanayaasha iyo qoysaskooda,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Retno Marsudi.

Malaysia

Anwar Ibrahim, oo ah hogaamiyaha xisbiga ugu weyn ee isbahaysiga talada haya Waddanka Mlaaysia, ayaa sheegay in hal qof oo Malaysian ah uu ku dhaawacmay weerarka oo uu ku tilmaamay “masiibo madow oo wajahaysa bini’aadanimada iyo nabadda guud ee Caalamka”.

“Waxaan si Xun uga murugooday falalkan aan la shaacin, ee ka hor imanaya qiimaha bani-aadanimada Kuwaaas oo Halis Lagu Ganinayo nolosha dadka rayidka ah,” ayuu ku yidhi hadal uu soo saaray.

Germany

Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa muujisay murugo ku saabsan “Muslimiinta lagu soo weeraray laba masjid oo ku yaala New Zealand, loona diley nacaybka iyo cunsuriyadda”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga