Duulimaadyada Diyaaradaha ee gala ama ka baxa dalka Belgium ayaa la joojiyay hal maalin, kadib shaqo joojin ay sameeyeen Qaar ka mid ah shaqaalaha Belgium. Shaqaalaha ayaa ka Cadhooday Mushahar kordhin yar oo loo sameeyay labada sanno ee soo Socda.

Maalintii Salaasadda ayay Bilaabantay Shaqo joojintu iyadoo illaa maanta socon doonta. Hay’adda hagta duulimaadyada dalkaasi ee Skeyes ayaa sheegtay in aanay hubin tirada shaqaalaha u soo shaqa tegi doona shaqa joojinta awgeed, hay’adda ayaa intaa ku dartay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta badqabka dadka Safraya, isla markaana ay ku dhawaqeen in gabi aahaanba aanay wax duulimaadyo ahi jiri doonin, xili shaqaale badani aanay soo xaadirin   xafiisyada iyo shaqooyinka kale.

Dhammaan Duulimaadyada Dalka Belgium ayay saamaysay Arintani Marka laga Reebo Duulimaadyada dawladda iyo ciidamada. Sidoo kale diyaaradaha ku safra hawada dalkan ku yaala galbeeedka Qaarada yurub ayay saamayn kooban ku yeelanaysaa shaqo joojintani xili ay Hay’adda hawada sare ee dalkaasi masuul ka tahay Qayb ahaan duulimaadyadii Hawada sare ee ka baxsan ee Diyaaradaha Dalkaasi u socda.

Ururadda Shaqaalaha dalka Belgium ayaa dawladda usoo jeediyay in ay Samayso Mushahar Kordhin Macquul ah si ay shaqaluhu ugu niyad samaadaan shaqada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga