Madaxweynaha Dalka Maraykenka Donald Trump ayaa Xildhibaan ilhan Cumar oo ah Soomaaliyad Ka Tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Maraykenka ugu Baaqay in ay. iska Casisho Jagadda Xildhibaanimadda.

Hadalka Trump ayaa Daba socday Qoraal ay Baraha Bulshada ku baahisay Xildhibaan Ilhan taas oo loo fahmay yuhuud nacayb.

Xildhibaano Badan oo ay isku Aqal yihiin ayaa Raali Galin Ka Bixiyey Hadalada ilhan Cumar, Waxaana Ka Mid ah afhayeenka aqalka koongareeska Nancy Pelosi.

Ilhan cumar ayaa Mardanbe Raaligalin ka bixisay Qoraalka ay baahisay iyadoo Markale Qoraalka Raaligalinta Kusoo Qortay Barta ay ku leedahay twitterka.

Ilhan ayaa sheegtay in yuhuud nacaybku yahay wax jira iyadoo u mahadnaqday Saxiibadeeda yuhuuda iyo dadka ay wada Shaqeeyaan ee u bidhaamiyay in hadalkeedii hore uu khaald ahaa.

Ilhan ayaa la Qoonsaday kadib markii ay urur ay yuhuudu leedahay ku tilmaantay Mid Kharash Ku Bixiya Taageerada isra’iil.

Madaxweyne Trump ayaa Raaligalinta ilhan ku Tilmaamay wax aan Jirin Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee AP.

Wuxuu Sheegay in aanay yuhuud nacaybku Meel Ku Lahayn Aqalka Koongareeska Maraykenka isagoo u jeeda Xildhibaanad ilhan Cumar.

Trump ayaa intaa ku daray in ilhan cumar ay iska Casisho jagada Xildhibaanimada ama ay ka Baxdo Gudida Arimaha Dibada Baarlamaanka oo ay xubin ka tahay.

Xildhibaanad ilhan cumar oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya , Balse haysata Dhalashada Maraykenka ayaa iyada iyo Gabadha lagu magacaabo Rashida Thalib Waxay noqdeen Gabdhihii ugu horeeyay ee haysata Diinta islaamka Kana mid Noqota Dadka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Maraykenka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga