warbaahinta dalka suuriya aya ku warantay in ciidanka difaaca cirka ee dalka suuriya ay ka hortageen gantaalo ay soo rideen diyaaradha dagaalka ee ciidamada israail oo kusoo aadnaa meel u dhaw magaalada caasimadda ah ee dimishiq.

duqaynta ayaa sidoo kale lala beegsday xero kaydka hubka ah, halkaas oo ay israaill ku dishay saddex askari oo ka tirsan ciidamada suuriya, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dalka suuriya ee loo yaqaano SANA.
ciidamada suuriya ayaa badi kahor tagay gantalaha ay soo rideen diyaardaha israaiil, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan milatariga suuriya.

saacad ka bacdi markuu weerarku dhacay, dadka degan magaalada dimishiq ayaa wali maqlayey gantalaha ay ridayeen ciidamada difaaca cirka ee dawladda suuriya.

wali ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay ciidamada israail, balse qoraal ay ku baahiyeen barta twitterka ayay ku sheegeen in heegan la galiyay ciidamadooda si ay uga jawaabaan gantaalo laga soo riday dalka suuriya.

ciidamada israaiil ayaa marar badan oo hore weeraro dhanka cirka ah ku qaaday goobo ka mid ah dalka ay jaarka yihiin ee suuriya, badankooduna waxay ahaayeen koonfurta mgaalada caasimadda ah ee dimishiq, halkaas oo ay sheegtay inay beegsanayso dhufaysyada ciidamo ay leedhay dawladda iran.

weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca dalka suuriya, tan iyo markii madaxweynaha dalka maraykanka donald trump uu si lama filaan ah ugu dhawaqay in uu ciidamdiisa kala baxayo dalka suuriya.

go’aanka trump kadib, raysalwasaaraha israaiil benjamin netenyahu wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan wuxuu ku sheegay hawlgaladda ay kaga soo horjeedaan in iiraan ay awoodeeda milatari ku fidiso dalka suuriya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga