Diyaarad rakaab ah oo 66 qof ay saarnaayeen ayaa ku burburtay badhtamaha dalka Iran Diyaarada ayaa ka timid magaalada Tehran, sida ay ku warameyso warbaahinta Iran.
Diyaaradda ayaa ku burburtay aaga xeebta oo u dhaw magaalada Semirom, sida uu qoray wargayska ISNA oo kasoo baxa dalka iraan

 

Semirom waa degmo fog oo 620km koonfur ka xigta Tehran.
hayada Bisha Cas ee Iran ayaa sheegtay in ay maydadka iyo dhaawacaba ay gaysay deegaan udhow aaga ay diyaaradu ku burburtay,

 

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska PressTV ayaa sheegay in duulimaadka Aseman Airlines ay qaaday 60 qof oo rakaab ah iyo lix shaqaalaha diyaarada ah.

 

Aseman Airlines waa shirkad samafal ah oo gaar loo leeyahay oo ku yaala magaalada Tehran, kuwaas oo ku takhasusay duulimaadyada meelaha fogfog

 

shilalka diyaaradaha ayaa si joogto ah u dhacaayay sanadihii ugu dambeeyay

 

Kadib markii Iran ay heshiis la saxiixatay Airbus iyo Boeing si ay u iibsato inta badan diyaaradaha rakaabka qaada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga