Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay iyada oo La Filayo in Saacadaha Soo Socda uu soo gaadho wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waxaa la Xidhay inta badan isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho Dhex Mara iyada Lagu arkayo ciidamo aad u hubeysan oo sugaya nabad-galyada magaalada.

Booqashada wafdiga ayaa la filayaa in ay qaadato muddo labo cisho ah waana booqasho taariikhi ah oo markii ugu horeysay madaxweynaha dalka Eritrea uu ku soo gaadho magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in uu Madaarka Magaaladda Muqdisho Kusoo Dhaweeyo Dhigiisa Dalka Eritrea, iyadda oo Labadda Hogaamiye ay Ka Wadda Hadli Doonan Sii Xoojinta Xidhiidhka Labadda Dal oo dhawaan Bilaabmay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga