Daraasad cusub oo dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in shantii qof ee dhinataba uu mid aka mid ahi u dhinto cuno xumaan ama cuntooyinka u quuto oo aan isku dheeli tirnayn

Xog ururinta ayaa laga sameeyay meelo badan oo ccalamka ah sanadkii 2017kii.

Dadka cunto xumida u dhinta ayay Daraasadu xustay in ay cunaan cuntooyinka ay ku badanyihiin ,milixda iyo sonkortu iyo hilibka la warshadeeyo oo dhamaantood ka qayb qaata Wadno xauunka, Kansarka iyo Macaanka.

Daraasadda oo lagu Daabacay Wagayska lancet medical journal laguna Sameeyay illaa 195 Waddan ayaa lagu Sheegay Waddanka ugu badan ee dadku ay cunto xumi u dhintaan uu yahay dalka uzbakistan, halka isra’iil ay noqotay meesha ugu dhimashada yar dhanka cuntada.

11 Million ee Sannadkii 2017-kii u geeriyooday Xanuunada cunto xumida iyadoo 10-Million oo ka mid ahi ay u dhintaeen xanuunada Wadnaha asiiba, inkabdan 900-Kun  oo qof waxay u dhinteen kansar halka dad gadhaya 339-Kun ay u geeriyoodeen xauunka macaanka oo dhamantoodba ay Darasadu Sheegayso in ay Cuntooyinka ay Quutaan ay ka raaceen.

Dadka quuta cuntooyinka dabiiciga ah ee la beerto, khudradda iyo caanaha, ayaa la Sheegay in ay ka caafimaad badan yihiin kuwa quuta cuntooyinka milixda iyo Sonkorta badan lagu sameeyo iyo hilibka la warshadeeyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga