Goobaha codaynta ayaa si rasmi ah loo furay subixii hore ee saaka, iyadoo dadka israa’iiliyiinta ahi ay soo dooran doonaan hogaamiye cusub, ama mar kale dooran doonaan Benjamin Netanyahu oo markii shanaad u tartamaya jagadan, Hadii uu guuolaystana noqon Doona Ra’iisul Wasaarihii ugu mudada dheeraa ee ay yuhuudu yeelayo.

Goobaha cod bixinta ayaa furmay 7-badii subaxnimo halka ay xidhmi doonaan gabal-dhaca. Natiijadana waxa la sheegi doonaa saacadaha danbe ee caawa.

Netanyahu ayaa tartan adag kala kulmaya ninka lagu magcaabo ben grantz oo xilal kala duwan kasoo qabtay ciidanka Isra’iil, oo uu mar madax usoo noqday, waxa uu wataa xulafo kale oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee maaliyadda isra’iil oo wata xisbi kale.

Xog ururin maalintii khamiista uu baahiyay Talafishanka channel 12 ee laga leeyahay Isra’iil, ayaa dadka su’aalay cida ay u codayn doonaa. Iyadoo %37 u codeeyay Ra’iisul Wasaare Netanyahu, halka %35-na ay doorbideen murashaxa ben grantz. Taas oo laga dheehan karo in labada murashax ay aad isugu dhaw yihiin.

Ammanka, musuqa iyo dhaqalaaha ayaa muhiim u ah dadka isra’iliyiinta ah, iyagoo Murashaxiiinta Sadexdaa ku kala dooranaya. Amaanka ayaa ah qodobka koobaad, maadaama ay ku noolyihiin dhul lagu muransan yahay oo dejiyay, degaano badanna ay xoog ku qabsadeen.

Hadii aynu is barbardhigno Labadda murashax:

Ra’iisul Wasaare Netayahu waa nin aaminsan aragtiyaha midigta fog ee yuhuuda, oo hadafkiisa koobaad yahay sidii ay yuhuudu isugu fidin lahayd dhulka falastiiniyiinta, dedaalkasta oo kaga baxayana uu ka dhabeeyo, Dhawaan ayuu balanqaaday in hadii la doorto uu sii badin doono deegaamaynta ay isra’iil ku samayo dhulka falastiin.

Murashaxa kale ee ben grantz oo 38 sanno ka mid ahaa milatariga Isra’iil ayaa lagu tilmaamaa nin aanay mawqifyadiisu caddayn oo wax badan u qarsoonyihiin, wali ma uu bixin waraysi, manuu jeedin qudbad gadhaysa nususaac, balse xisbiga uu madaxda ka yahay ayaa ku ololeeyay in danta isra’iil laga horumariyo dan kasta oo kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga