Waxaa Cispitalka Magaalada London ku geeriyooday Dhaqtarkii gaarka ahaa ee Boqoradda Dalka Ingiriiska “Queen Elizabeth II”, markii Arbacadii Todobaadkan uu galay shil Baaskiil, sida ay qortay  Jariiradda The Washington Post.

Peter Fisher,oo 67 jir ahaa ayaa u dhintay dhaawac xooggan oo kasoo gaadhay Gaadhi xamuul ah oo ku dhacay Baaskiil uu watay xilli uu ku socday shaqadiisa, waxaana geeridiisa ku war geliyay Aqalka Boqortooyada Dhaqaatiirtii baxnaanineysay xaaladdiisa iyo Boliiska.

Agaasimaha waaxda caafimaadka ee Jaamacadda London Gill Gaskin , ayaa sheegay inuu Mr; Fisher ahaa shaqaale fiican oo heegan u ahaa daryeelka bukaanka una debecsanaa Dadka, isagoo sheegay inay wada shaqaynayeen in ka badan 35 Sano

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga