La Taliyaha Madaxweynaha Dalka Yemen Ayaa Diiday Soo-Jeedinta Kooxda Xuutiyiinta Oo Dalbatay In Dawlad Kumeel gaadh Ah Laga Yagleelo Dalkan Ay Colaaduhu Baabiyeen Ee Yemen.

Dawlada La Aqoonsanyahay ee uu Hogaamiyo Cabdu Rabbu Mansuur Haadi Ayaa Wadahadal Kula Jirta Kooxda ay Dagaalamayaan ee Xutiyiinta, Wadahadalka Ayaa Ka Socda Dalka Sweden.

Masuuliyiinta Dawladda Yemen Ayaa Xusay In Mushkilada Jirta aanay Xal U Noqon doonin In Meesha Laga Saaro Madaxweyne Haadi.

Cabdulcasiis Jabaari Oo Ah Xubin Wadahadalada Sweden Ku Matalaysa Dawladda Yemen Ayaa Sheegay In Qabsashadii Xuutiyiinta Ee Magaalada Sanca Iyo Fidintii Maamulkoodu Uu Horseeday Musiibada Ka Dhacday Dalka Yemen, Balse aanay Ahayn Kursiga uu Ku Fadhiyo Cabdul Rabbi Mansuur Haadi.

“Mushkiladu Waa Afganbigii Milatari Ee Dhacay Sanadkii 2014, Madaxweyne Haadi Way Ka Fogtay Arintu, Sidaana Xal Laguma Gaadhi Karo. Dhibaatada ugu Wayni Waa Koox Yar Oo Afduubatay Wadankii” Ayuu Yidhi Jabaari Oo La Hadlayay Talafishanka Aljasiira.

Labada Dhinac Ee Is-Haya Ayuu Tan Iyo Maalintii Khamiistii Wadahadal Uga Socdaa Magaalada Rimbo Ee Dalka Sweden, Si Loosoo Afjaro Colaada Yemen Oo Galaafatay Nolosha In Kabadan 56-Kun Oo Qof, Halka 22-Million Oo Kalana Ay Khasabtay Macaluul Lagu Tilmaamay Tii Ugu Darnayd Taariikhda Caalamka Muddo Kabadan Hal Qarni.

Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Dalka Yemen, Ayaa Dadaal Ugu Jira Sidii uu Iskugusoo Dhawayn lahaa Labada Dhinac, Si Loosii Daayo Maxaabiista Ay Iska Haystaan Labada Dhinac, Si Xabad Joojin Looga Bilaabo Magaalada Xudayda Iyo In Dib Loo Furo Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Sanca.

Wada hadalada Ayaa La Filayaa In Ay Soo Gaba-gaboobaan 14 Bishan December, Balse Ilo Ku Dhaw Wadahadalka Ayaa U Xaqiijiyay Talafishanka Aljazeera In Ay U Badantahay In La Kordhiyo Mudada Wadahadalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga