Dawladda sucuudiga ayaa jabsatay moobilka gacanta ee ninka ugu hantida badan dunida, iyagoo baadhaya xogtiisa gaarka ah, sida ay shegeen khubaro baadhitaan ku sameeyay arintan.

Jef bezoz oo ah mulkiilaha shirkadda amazon, ayaa imika ah ninka ugu Qanisan caalamka iyadoo hantidiisa lagu qiyasay lacag gaadhaysa 146bBilyan.

Waxa la basaasay moobolkiisa gacanta, isagoo baadhitaanka kiisakanna u xil saaray Gavin De Becker, oo ah khabiir ku xeeldheer amaanka.

Bezoz wuxuu xusay in fariimo Qoraal ah iyo sawiro laga jabsaday moobilkisa gaarka ah.

Bishii ina dhaaftay ee Febraury ayay arintani soo shaacbaxday kadib markii uu jex bezoz ku eedeeyay shirkad ameerikaan ah in ay ugu hanjabtay in ay sii dayn doonto Qaar ka mid ah sawiradiisa gaarka ah oo moobilkiisa laga xaday, hadii aanu ka laaban eedaymo uu u jeediyay Shirkadda.

Khubarada baadhitaanka sameeyay ayaa si cad dawladda sucuudiga ugu eedeeyay in ay jabsatay kadibna la baxday xogta shakhsiga ah ee mulkiisalaha Amazon, je bezoz.

Wali dawladda sucuudigu kamay hadal eedaymaha loo jeediyay.

Becker, oo ah madaxa baadhitaanka, ayaa xidhiidh ka dhaxaysiiyay basaasida moobilka maalqabeenka iyo wargayska Washington Post.

Wargayska Washington oo uu leeyahay maalqabeenka jef bezoz ayaa si xoogan u daba galay dilka wariyihii sucuudiga u dhashay ee jamal Khashoggi, Arintaas oo Dawladda sucuudigu ay dhibsatay. Wariyaha ayaa wax ku qori jiray wargayska washington post.

Dawladda sucuudiga ayaa u dhacday moobilka bezoz, maadaama oo uu leeyhaay Wargayska sida wayn uga waramay dilka wariyaha oo boqortooyada sucuudoiga lagu eedeeyay, waa sida uu sheegayo baadhitaanku.

Dawladda Sucuudiga iyo Shirkadda American Media Inc ayaan wali ka hadal natiijada baadhitankan cusub, inkasta oo ay Shirkaddu hore u sheegtay in ay sharci u haysato ka waramida nolosha gaarka ah ee jef bezoz, ninka ugu hantida badan dunida..

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga