Dawladda shiinaha ayaa nin u dhashay dalka canada ku eedaysay inuu daroogo sharci-darro ah ka ganacsnayay, kadibna ku xukuntay dil toogasho ah.

Kiiska ninkan ayaa xiisad ka dhex dhaliyay labada dal ee shiinaha iyo canada, iyadoo dawladda canadana muwaaadiniinteeda uga digtay in ay tagaan dalka shiinaha, oo ay ku eedaysay in uu ku fulinayo sharciyada gudaha dalkiisa.

Justin Trudeau, raysal wasaraha dalka canada oo warbaahinta kula hadlayay magaalada otawa ayaa tibaaxay in dawladdiisu ay aad uga xuntahay in dalka shiinuhu uu ninkaas dil toogasho ah ku xukumo, isagoo intaa ku daray in ay si dhaw ula socon doonaan kiiskiisa.

Robert Lloyd Schellenberg, oo ah 36 kasoo jeeda dalka canada ayaa loo haystaa ka ganacsiga mukhaadaraadka, waxa la sheegay in 227KG oo ah walaxda lagu sirkhaamo ee methamphetamine uu u dhoofinayay dalka australia. Maalintii isniinta ayay maxkamad ku taala gobolka Liaoning ee dalka shiinuhu ku xukuntay dil toogasho ah. Wuxuu haystaa 10 maalmood oo uu racfaan kaga qaadan karo xukunka.

Xukunka ninkan ayaa ku biiraya xiisad u dhaxaysay wadamada canada iyo shiinaha. dawladda  canada ayaa bishii hore xidhay masuul ka tirsan shirkadda Huawei, una dhashay dalka shiinaha. Dawladda shiinaha ayaa iyaduna mudo kadib xidhay laba nin oo u dhashay dalka canada, halka mid ka mid ahina uu ahaa diblomaasi hore, taas oo lagu macneeyay in shiinuhu kaga jawaabayo xadhiga ninkaas ka tirsan shirkadda huawei.

Dalka shinaha ayaa hore dad aan u dhalan dalkiisa ugu riday xukuno dil ah, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka ganacsanayeen daroogooyinka.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku qiyaasay in dad gaadhaya Laba Kun oo qof ay sanad walba dawladda shiinuhu ku rido xukuno dil ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga