Dowladda Qatar Ayaa Khamiistii Warqad Dacwad Ah U Gudbisay Qaramada Midoobay, Taas Oo Ay Kaga Cabanayeen In Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta Uu Kusoo Xad Gudbay Hawadooda.

Wakiilka Joogtada Ah Ee Qaramada Midoobay U Fadhiya Dalka Qatar Caaliya Axmed Ayaa Sheegay In Diyaarad Military 04-Tii Bishan Ay Kusoo Xad Gudubtay Hawadooda, Sida Lagu Baahiyay Warbaahinta Dalkaasi.

 

Dawlada Qatar Ayaa Golaha Ammaanka Ka Codsatay In Ay Qaadaan Tallaabo Kasta Oo Lagaga Hortagi Karo Wixii Carqalad Ku Keenaya Nabadda Iyo Xasiloonida Caalamka.

Sidoo Kale Dowladda Qatar Ayaa Afar Jeer Oo Hore Cabasho U Gudbisay Qaramada Midoobay. Kuwaas Oo Ay Kaga Cabanaysay Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Sanaddii Lasoo Dhaafay Ayay Ahayd Markii Dowladaha Isu Tagga Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Masar Iyo Sucuudiga Ay Xidhiidhkii Diplumaasiyadeed Iyo Ganacsi U Jareen Qatar, Ayagoo Ku Eedeeyay In Ay Taageerto Argagixisada.

Balse Qatar Ayaa Dafirtay Eedeeymahaasi, Ayadoo Ku Tilmaamtay Cunaqabateynta La Dul Dhigay Mid Xad Gudub Ku Ah Madax Banaanideeda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga