Dalka japan ayaa lagusoo waramayaa in ay kala badanayaan dadka iyo guryuhu, iyada oo la saadaalinayo in sanadaha soo socda guryo badan oo ku yaala dalkan dhaca bariga qaarada asia loo waayi doono dad gala.

sanadku markuu ahaa 2013-kii, japan waxa ku yaalay 61 million oo guri halka tirada qoysaskana lagu qiyaasay 52 million oo qoys, sida uu sheegay maxad cilmibaadhiseed oo fadhigiisu yahay magaalada caasimadda ah ee tokyo.

dadka reer japan oo imika tiro ahaan lagu qiyaaso 127 million ayaa la filayaa in tiro ahaan ay noqon doonaan 88 million, marka la gaadho sanadka 2065-ka, sida uu sheegay maxadka dadwaynaha iyo arimaha bulshada ee dalka japan, taas oo micnaheedu yahay in dad aad u yar ay u baahan doonaan guryo ay galaan.

dadka ku dhaqan dhulka baadiyaha ee dalka japan oo magaalooyinka usoo shaqo doonanayay sanadihii ugu danbeeyay ayaa iyaguna cidleeyay deeganada ku yaala dhulka miyiga, taas oo tuulooyin badan u bedeshay bahalo-galeen aanay cidina u hoyan.

marka la gaadho sanadka 2040-ka, ilaa 900 oo isugu jira magaalooyin iyo tuulooyin ku yaala dalka japan ayaa la filayaa in gabi ahaanba ay baaba’aan. deegaanada la rajaynayo in ay baaba’aan waxa ka mid ah magaalada okutama oo galbeed kaga beegan magaalada caaasimadda ah ee tokyo. magaaladan okutama ayaa sanadkii 1960-kii waxa ku noolaa dad gaadhayay 13k oo qof. inta badan dadkii da’yarta ahaa ayaa iskaga tagay magaalada taas oo maanta dadka ku dhaqan magaalada okutama ka dhigtay kaliya 5200 oo qof.

magaalada okutama ayaa leh 3000 oo guri, 400 oo ka mid ah guryahaas ayaa madhan oo aanay jirin cid sheeganaysa, waxa jira deegaano badan oo lamid ah magaaladan, taas oo keentay in guryo badan oo layskaga tagay ay banaanaadaan.

sanadkii 2014-kii aya ay dawladda japan bilawday qorshe ay ku maaraynayso guryaha banaan.

dawladda ayaa bilawday in ay lacago siiso dadka, si ay dib ugu dhistaan deeganadooda, halka deegaano kalana ay isku dayayso inay dib-ugu-beerto dad kale ama dadkii ka tagay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga