War qoraal ah oo ka soo baxay safaarada Jabuuti ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti siweyn uga naxday hadal uu dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka sheegay magaalada Asmara oo ahaa in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in dowladda Jabuuti siweyn uga naxday hadalka madaxweyne Farmaajo oo ahaa in Qaramada Midoobey ka dalbanayaan in laga qaado Eritrea cunaqabateynta lagu soo rogay sannadii 2009ka kaddib markii loo arkay in ay dhibaato ku tahay xasiloonida qaarada iyo wadamada dariska la ah. dhinaca kalana taageero siiso kooxaha argagixisada oo Al-shabaab-na ka mid tahay.

Sidoo kale Jabuuti ayaa sheegtay in taa badalkeeda ay jeclaan lahaayeen in madaxweynuhu soo hadal qaado mashaakilka ka dhax jira labada dowladood ee Eritrea iyo Jabuuti ee dhinac xadka, kuna baaqo in si deg deg ah loo soo afjaro.

Warar ayaa sheegaya in safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xassan Aadan uu ka anbabaxay magaalada Muqdisho kaddib markii uu soo baxay qoraalka, lamana oga in safiirku u tagay arintan dardeed iyo in kale.

Marka aad u sii firsato qoraalka waxaa kuu muuqanaya in dowladda Jabuuti siweyn uga carreysan tahay booqashadii madaxweyne Farmaajo uu ku tagay Asmara, xili dhinaca kale uu jiro khilaaf Jabuuti kala dhaxeeya Eritrea.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga