Safiirka dalka ingiriiska u fadhiya dalka itoobiya, susanna moorehead, ayaa bogaadisay isbedelada siyaasadeed iyo dhaqale ee ka socda dalka ku yaala geeska afrika ee itoobiya.

Dawladda ingiriiska ayaa dalka itoobiya ku taageertay aduun lacageed oo dhan 3bln oo doolar, lacagtaas oo lagu fuliyay mashaariic kala duwan muddo saddex sanno ah.

Saddexdii sanno ee lasoo dhaafay, dawlada ingiriiska ayaa mashgaariic horumarineed oo tiro badan ka fulisay dalka itoobiya, mashaariicdaas waxa kamid ahaa, mashruuca caafimaadka oo ay ka faa’iideen haween gaadhaya 4million oo itoobiyaan ah iyo caruurta da’doodu ka yartahay 5 sanno.

Dhanka kale dawladda ingiriiska ayaa malaayiin doolar ku bixisay mashaariicda biyaha sida ay sheegtay safiir susanna. Illaa 5million oo itoobiyaan ah ayaa ka faaa’iidaystay mashaaariic biyo nadiif ah loogu samaynayay shacabka deegaano ka tirsan dalka itoobiya.

Safiirka ingiriiska ayaa dawladda itoobiya ku tilmaantay dawlad uu xidhiidh dhawi ka dhexeeyo isla markaana muhiim u ah dalkeeda  Safiirka ayaa intaa sii raacisay in heshiiska ka bixitaanka ingiriiska ee midawga yurub aanu waxba ka badali doonin xidhiidhka u dhexeeya dalkeeda iyo dawladda itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga