Dawladda Bahrain Ayaa Kusoo Biirtay Xiisad Diblumaasiyadeed Oo Ka Dhextaagnayd Dawladda Federaalka Somalia Iyo Imaraatka Carabta.

Dawladda Bahrain Ayaa Warsafadeed Ay Caawa Soo Saartay Waxay Shaaca Kaga Qaaday In Ay Tageersantahay Hadalkii Dawladda Imaraatka Carabta Ay Ku Canbaaraysay Lacagtii Dawladda Somalia Ku Qabatay Madaarka Magaaladda Muqdisho.

Dawladda Bahrain Ayaa Sheegtay In Somalia Ay Ku Tumatay Shuruucdii Diblumaasiyadeed Ee Caalamka Isla Markaana Imaraatka Ugu Baaqday Inuu U Yeedho Danjiraha Somalia Ka Jooga.

Ma Jiro Wax Wara Oo Ilaa Hada Kasoo Baxay Dawladda Federaalka Somalia Oo Ay Kaga Jawaabayso Eedaymahaasi Dawladda Bahrain Usoo Jeedisay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga