Dowladaha Reer Galbeedka Iyo Shirkadaha Hubka Ayaa Kaalin Ka Qaata Awoodda Militariga Masar, Sida Lagu Sheegay Warbixin Cusub.

Warbixin Ay Soo Saartay Hay’Adda Transparency International Defense & Security, Ayaa Lagu Sheegay In Waddamo Badan Oo Reer Yurubi Tageero Milateri Siiyaan Dawladda Masar,

Warbixinta Ayaa Sheegtay In Shirkadaha Difaaca Ee Reer Galbeedka- Ay Sii Wadi Doonaan In ay Ciidamada Milatariga Masar Siiyaan Gargaar Iyo Taageero Amni,

Shantii Sano Ee La Soo Dhaafay, Masar Waxay kamid Noqotay wadamada Ugu awooda Badan Caalamka,

“Sanadihii Ugu Dambeeyay, Dhowr Kooxood Oo Xuquuqda Aadanaha Ah, Oo Ay Ka Mid Yihiin Amnesty International, Ayaa Xubno Kamid Ah Millatariga Masar Ku Eedeeyay Dilal aan Sharciga Waafaqsanayn”.

Maaddaama Xadgudubka Xuquuqda aadanaha Iyo Rabshadaha Dalka Masar Ay Sii Kordhayaan, Warbixintani Waxay Soo Saartay Talooyin Taxane Ah Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqaysa In Lala Dagaallamo Awoodda Militariga Masar.

Waxa Kale Oo Uu Ku Booriyay Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida In Ay Weydiiyaan Su’Aalo Adag Oo Ku Saabsan Dhaqdhaqaaqa Dhaqaalaha Milatariga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga