Bam ayaa ku qaray bas ay wateen dad dalxiisayaal ah oo marayay buuraha dalxiiska ee magaalada jiisa oo dhacda daanta galbeed ee wabiga niil, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof oo dalxiisayaal ah oo kasoo jeeda dalka vietnem iyo askartii ilaalada u ahayd.

Qaraxa bamka ayaa sidoo kale dhaawacay 11 qof oo iyaguna u dhashay isla dalka vietnam, iyo Darawalkii gaadhiga u Wadday.

Baska ayaa siday illaa 15 dalxiisayaal ah oo u dhashay dalka vietnam, sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibaddda ee dalka vietnam, wasaarada ayaa intaa sii raacisay in 10 qof uu soo gaadhay dhaawac halis ahi.

Dadka ayaa kusii jeeday munaasibad madadaalo oo loogu tala galay xili habeenimo ah oo ka dhacaysay aharaamta dalka masar, iyagoo galinkii hore dalxiis ahaan u tagay goobta.

Wali lama helin cidii ka dambaysay bamka wadada lagu aasay, mana jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga