Shacabka dalka rwanda ayaa bilaabay todobaad ay ku xusayaan dadkii ku lee’day xasuuqii dalkan ku yaala bariga afrika ka dhacay sanadkii 1994-kii, kaas oo lagu dilay dad lagu qiyaasay 1m oo badi qoorta laga jaray.

Mgaalad caasimadda ah ee kigali ayaa kamid ah meelaah sida wayn looga xusayo xasuuqan oo ka mid ahaa kuwii ugu xumaa ee soo mara taariikhda.

Shacabka rwanda ayaa 25 sanno kadib si wanagsan ugasoo kabtay xasuuqa, iyadoo caalmkuna ku amaanay sidii ay u heshiiyeen, isuna cafiyeen. Iyadoo deegaano badan ay wada degenyihiin dadkii is xasuuqay oo hadana maanta ka wada shaqynaya danta rwanda, taas oo sii jiidatay indhaha bulshada caalamka.

Xasuuqa dalka rwanda ayaa dhacay sanadkii 1994kii intii uu socday dagaalkii sokeeye ee dalka rwanda oo bilaabmay sanadkii 1990kii.

Qabiilka hutu ayaa muddo 100 maalmood gudahood ah waxay qoorta kaga jareeen boqlaalkun oo oqof oo kasoo jeed qabiilka tutsi. In kabadan 800k oo qof ayaa la dilay mudadaa 100ka maalmood ah, iyadoo %70 dadka la laayayna ay kasoo jeedeen qabiilka tusi oo markaa laga badnaa.

Madaxweyn aha dalka rwanda paul kagame oo homuud akla ahaa jabhadii u tafaxaydatay soo afjaridii xasuuqa, ayaa 25sanno kadib maanta hor kacaya xuska loo samaynayo snadguurada xasuuqa oo 25 jirsaday.

Rwanda maanta waxay horumar wanaagsan ka samsay dhinacyda dhaqaalaha iyo horumarka, iyadoo kasoo kabatay xasuuqii iyo dagaaladii sanado ka hor baabiiyay dalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga