Waddanka Qatar Ayaa Mamnuucday In Badeecadaha Ay Soo Saaraan Isbaheysiga Sacuudiga Iyo Imaaraadka Ee Sanad Ka Hor Go’Doomiyay.

War Ay Soo Saartay Xukuumadda Doxa Ayaa Lagu Sheegay In Badeecadaha Ay Soo Saaraan Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn Iyo Masar Ee Lagu Iibiyo Dukaamada Waa Weyn Ee Dalkaas Laga Saaro, Wixii Hadda Ka Dambeeya Ay Mamnuuc Yihiin.

Sidoo Kale Wasiirka Dhaqaalaha Qatar Ayaa Sheegay In Wixii Badeecado Ah Ee Afarta Dal Laga Soo Dhoofiyo, Si Dedeg Ah Looga Saaro Dalka.

Arrintan Ayaa Daba Socota Khilaafka Diblomaasiyadeed Ee U Dhaxeeya Dalalka Khaliijka, Kaasoo Ka Dhashay Markii Isbaheysiga Sacuudiga Iyo Imaaraadka Ay Xidhiidhka U Jareen Waddanka Qatar, Iyaga Oo Ku Eedeeyay Inay Taageerto Argagixisada.

Dalka Qatar Ayaa Markii Cunaqabateynta Ay Kusoo Rogeen Isbaheysiga Sacuudiga Iyo Imaaraadka, Waxaa Badeecadaha Iyo Alaabaha Ay U Baahan Tahay Kasoo Iibsataa Dalalka Turkiga Iyo Iiraan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga