Shacabka Ku Dhaqan Dalka Ciraaq Ayaa Guud Ahaan Maanta U Dareeraya Codbixin Doorashada Baarlamaanka, Markii Ugu Horeysay Tan Iyo Markii Dowladda Ay Ka Guuleysatay In Dalka Ay Ka Sarto Ururka Daacish.

Haider Al-Abadi Oo Ah Ra’Iisal-Wasaaraha Imika Talada Haya Ee Dalkaasi Ayaa Si weyn Loo Hadal Hayaa In Uu Ku Guuleysan Doono Xilka,Inkastoo Loo Badinayo In Uu Wajihii Karo Loolan Adag.

Waxaa Lagu Amaanay Ra’Iisal-Wasaare Al- Abadi Guusha Uu Ka Gaadhay Dagaalkii Uu Kula Jiray Kooxaha Argagixisada Iyo Amniga Oo aad U Soo Wanaagsanaaday Dhammaan Waddanka,Tan Iyo Markii Laga Adkaaday Daacish.

Doorashadan Dacaysa Ayaa Qof Kasta Oo Ku Guuleysta Doorashadan Waxaa Looga Fadhiyaa In Uu Mideeyo Mad-Habta Kala Duwan Ee Ka Jirta Ciraaq, Kuwaasi Oo Iyaguna Caqabad Ku Ah Nabadda Waddanka.

Qaar Kamid Ah Bulshada Reer Ciraaq Ayaa Si Weyn U Dhaliilsan Musuq-Maasuq Baahsan Oo Ay Sheegeen In Uu Ka Jiro Hay’Adaha Dowladda.

Dhinaca Kale Dadka Reer Ciraaq Ayaa Cabsi Wayn Ka Ka Qaba In Mar Kale Dalkooda Uu Ka Dhaco Dagaal Sookeeye, Kaasi Oo Salka Ku Haya Siyaasadaha Mareykanka Iyo Iiraan Ka Dhex Taagan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga