Dawladda Canada ayaa Dib u Cusboonaysiiyey Xidhidhiidhkii Diblumaasiyadeed ee ay La Lahayd Dawladda Soomaaliya.

Xadlad Kooban oo Ka Qabsoontay Xarunta Madaxtooyadda Dawladda Soomaaliya ayuu Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Waraaqaha Aqoonsiga Danjiranimo Kaga Gudoomay Safiir Cusub oo Canada u Fadhiisan doona Muqdisho.

Sidoo Kale madaxwayne Farmajo waxa uu Waraaqaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Wakiil Cusub oo Dalka Austria u Fadhiisan doona muqdisho

Madaxwayne Farmaajo ayaa u hambalyeeyay safiirada cusub ee loosoo Magacaabay Dalka Soomaaliya, isagoo ku in ay sii wadaan iskaashiga dowladdiisa iyo Wadamadda ay Ka Socdaan si ay u gutaan waajibaadkooda dibloomaasiyadeed.

Dalalka Beesha Caalamka iyo Wadamadda Horumaray ayaa Mudooyinkii ugu Danbeeyay Boodhka Ka Jafayey Xidhiidh dibloomaasiyadeed ee ay La lahayeen Dawladda Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga