Xildhibaanada baarlamanka dalka austria ayaa meel mariyay sharci mamnuucaya in xijaabka ama wax walba oo qarinaya madaxa lagu dhigto iskuulada dalkan ku yaala badhtamaha Qaarada Yurub.

Xukuumadda haysa talada austria ayaa hindise sharciyeedka arintan hor keenay baarlamaanka, iyadoo xildhibaanaduna ay cod aqlabiyad ah ugu codeeyeen.

Xukuumadda ayaa kasoo jeeda xisbiga midigta fog, ee lagu yaqaano islaam-nacaybka iyo aragtiyaha tix-galiya dadka muwaadiniinta ah ee reer austria.

Sharciga ayaa lagu muujiyay in mamnuucidani ay saamayn doonto dhamaan aragtiyaha ama aaminaada diineed ee qarinaya madaxa, arintaas oo lagu macneeyay in dawladda austria ay ka cararayso in lagu eedeeyo in ay si gaar ah u beegsanayso dadka muslimiinta ah.

Koofiyadaha ay xidhaan dadka yuhuuda ah iyo sikhi-da aanay ku jirin madax-gashiyada la mamnuucay.

Muslimiinta ku dhaqan dalka austria ayaa ka biya-diiday sharcigan cusub, oo ay ku tilmaameen in uu bartilmaameedsanayo diintooda iyo waxa ay aaminsanyihiin.

Sharciga ayaa si gaar ah u beegsanaya sikuulada hoose-dhexe ee guud ahaan dalka, oo aan laga ogolaan doonin in lagu yimaado wax madaxa qarinaya.

Xisbiyada isbahaysiga midigta fog ee austria, ayaa ku talaabsanaya falal ka dhan ah muhaajiriinta, muslimiinta iyo dadka laga tirada badanyahay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga