Madaxwayneyaasha Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ee Magaaladda Muqdisho.

Wadd Hadallada Labadda Madaxweyne ayaa La sheegay in diiradda Lagu saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo Waliba dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah Ururka Alshabaab ee ka Dagaalama Gudaha Dalka Soomaaliya.

Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele oo Maanta soo gaadhay Magaaladda Muqdisho, ayaa La Filayaa in Labadda Maalmood ee soo socda uu Booqasho Rasmiya ku Joogi Doono Gudaha Dalka Somaaliya.

Dalka Jabuuti ayaa Kamida Dalalka Soomaaliya Ka Tageera La Dagaalanka Ururka Alshabab, Iyadoo Gobolo Kamida Dalka ay Ku Sugan yihiin Ciidamo Badan oo u Dhashay Waddanka Jabuuti.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga