Magaalda Tuliguuleed oo Ku Taala Bariga Wadanka Itoobiya, Isla Markaana 30km u Jirta Magaalada Jigjiga ayay Markale Dib uga Qarxeen Dagaalo u dhaxeeya Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo Marar Hore Ku Dagaalamay Deegaankan oo Wax-Soosaarka Lagu Yaqaano.

Dagaalkan u Dhaxeeya Qoomiyadahan oo Wada daga dalka itoobiya ayaa soo socday Muddo Sagaal Bilood ah, Balse Mudooyinkii ugu danbeeyay ayay Xaalada Deegaankani Deganayd Kahor Dagaalka Soo Cusboonaaday.

Dagaalka ayaa Ka Socda Deegaanada Ku Teedsan Mooyaale, Diridhaba Ilaa Magaalada Tulliguuleed. iyada oo uu socdo shir Lagu Heshiisiinayo dhinacyada dagaalamaya oo Ka socda Magaalada Nazireeed oo Ku Taala dhulka Oromiya.

Ciidamada Deegaanka Oromadda ayaa Weerar Kusoo Qaaday Tuulooyin Hoos yimaada Degmada Tulliguuleed sida ay Warbaahinta u Sheegeen dadka Deegaanku, Arintaas oo sii Hurisay Xiisadan Colaadeeed.

ilaa 22 Qof ayaa Ku dhintay dagaalada Halka dad Gaadhaya Ilaa 28 Kalena ay ku dhaawacmeen, dadkan ayaa dhamaantood ahaa Dad Beeralay ah.

Dadka Dhintay Waxa Ku Jira Masuul Dhawaan Loo Magacaabay Degmada Tulliguuleed oo Toogasho lagu dilay, dhanka Kale Dagaalada imika Socda ayaa Waxa Ku Barakacay dad Gaadhaya 3-Kun oo Qof oo aanay Ku Jirin dadkii Hore ugu Barakacay Colaadaha Deegankan oo Muddo Sanad ku dhaw Soo Jiitamaayey.

Colaadan u dhaxaysa Qoomiyahadaha Soomaalida iyo Oromadda ayaa Salka Ku Haysa muran dhinaca dhulka ah, iyada oo Labada Qoomiyadood ay Midba Takale Ku Eedaynayso inay Wado Dhulbalaadhsi, Maadaama dhulka laysku haysto uu yahay dhul Beeralay ah oo Wax-soosaar Badan Leh.

Dadka Soomalida ah ayaa Ku Eedaynaya Dawladda Federaalka ah Inay Tuulooyin Badan oo Soomaalidu Leedahay ay Ku Wareejinayso Oromada, Wali Ma Muuqato Waan-Waan Rasmi ah oo Lagu Joojinayo Dagaalka oo Ka Socda Meelo Badan oo Kamid ah Dhulka ay Ku Muransanyihiin Labadda Qoomiyadood.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga