Dagaalo Goosgoos ah oo u Dhexeeya Ciidamda Wadamda Pakistan iyo india ayaa Ka Socda Xadka u Dhexeeya Labada Waddan oo Xiisadda Ka Dhextaagani ay Cirka Iskusii Shareerayso.

Israsaasaynta u Dhaxaysa Ciidanka Labada Waddan Waxa Ku Dhintay 7 Qof Halka Tiro Kabadanina ay Ku Dhaawacmeen.

Sidoo Kale, Isku Dhacyo Ka Bilaaabmay Deeganka Kashmir oo ay Ku Muransanyiihiin Dawladaha Pakistan Iyo india ayay Ku Dhinteen Askar u Dhalatay Dalka Pakistan, Sida ay Ku Waramayso Warbaaahinta Deegaankaasi.

Xiisadda Ka Dhextaagan Xukuumadaha Islamiga iyo Delhi ayaa La Filayay in ay Hoos U Dhacdo, Markii ay Pakistan Sii Daysay Duuliye u Dhashay Dalka India oo ay Soo Riday Diyaaraddii uu Waday, Balse Ma Muuqato Isku Tanaasul ay Samaynayaan Labada Dhinac, Inkasta oo Mid Waliba uu Dhiniciisa Sheeganayo in uu Nabadda Ilaalinyo.

Bishii Ina Dhaaftay ayaa 42 Ka Mid ah Booliska Dalka India Lagu Dilay Weerar Isqarxin ahaa oo Ka Dhacaya Deegaanka Kashmir, Weerarkaas oo ah Saldhigga Muranka Sii Xoogaysanaya ee u Dheexeya Labadan Waddan Ee Ku Hubaysan Hubka Wax Gummaadda Ee Nukliyeerka.

Qaramada Midoobay, Midawga Yurub iyo Wadamada Qaar ayaa Pakistan Iyo india ugu Baaqaya in ay Dajiyaan Xiisadda U Dhaxaysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga