Qaar ka mid ah dadka rayidka ah ee deggan qaybo ka mid ah gobolka hiiraan ayaa bilaabay dagaal toos ah oo ay kagasoo horjeedaan Ururka alshabab ee ka dagaalanta koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegaya in kooxda alshabaab uu jab culusi kasoo gaadhay dagaalo ay mudooyinkii danbe la gashay dadka deegaanka gobolka hiiraan.

Isagoo xildhibaanku tilmaaymaya in ay tusaale cad u tahay bisaylka shacabka ee ku aadan dagaal ay ku cidhib tiraan kooxda alshabasb, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan arkay shacabka oo dhaawac culus gaadhsiiyay argagxisada, iyadoo cadayn u ah in dadku ay rabaan dagaal ay ku baabiiyaan aragtidan qaldan ee xalaalaynaysa dhiigga shacabka, iyo hantidoodabada.

Dawladdu waa inay garab istaagtaa dadkan geesiyaasha ah, isla markaana abaabushaa beesha caalamka. Waa inay helaan, hub, tababar iyo mushaharba”

Kooxda alshabab waxay sanado badan ka dagaalamaysaa dalkan ku yaala geeska afrika. Iyadoo wali maamusha deegaano badan ee ka tirsan Soomaaliya.

Xasan sheekh cali, waa khabiir ka faalooda arimaha ammanka. Wxuuuna sheegayaa in alshabaab uu ku xunyahay xaalku, balse maleeshiyo beeleedyadu ay noqon karaan mushkilad kale.

“Dagaalkani wuxuu noqon karaa mid dhakhso ahaa oo ay soo abaabuleen dadka deegaanku. Waxa la sheegayaa in khasaare uu jiro labada dhinacba, balse aad loo waxyeeleeyay alshabaab.

Waxa suurtagal ah in natiijooyin kale aynu aragno maalmaha soo socda. Ma garan karno waxa dhici kara, Laakiin waxaynu filaynaa in alshabab aanay xaaladda sidan kaga tagi doonin. Inagoo og in ay Alshabaab ka aargoosato dadka ay ku sheegto calooshood-u-shaqaystayaasha, iyo danaystayaasha.

Waxa jira dad aan ku niyad samayn sida loo maamuli doono deegaanada ay haysato Alshabaab. Waxaynu ognahay in beesha hadda la dagaalamaysa Alshabaab ay hore ula dagaalantay, ma ogin in ay deegaano kale isku fidin doonaan, sidoo kalena ma ogin waxa ay samayn doonaan beelaha kale, waana arinta aynu isha ku hayno imika”

Dawladda curdinka ah ee Soomaaliya ayaan si rasmi ah uga adkaanin kooxda alshabab, inkasta oo ay jiraan deegaano muhiim ah oo kooxda laga saaray sanadhii ay socdeen dagaaladu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga