Dagaal u dhaxeeya ciidamo daacad u ah madaxawynaha Yaman iyo kooxda gooni u goosadka koonfurta ayaa ka socda magaaladda Cadan.

Labada dhinac ayaa waxay isu adeegsadeen Taangiyo iyo hubka culus.

Wasaarada arrimaha gudaha ayaa horrey u sheegtay in goobtaasi ay xasiloonida dib ugu soo laabatay waxa ayna shacabka ugu baqeen in ay howlahooda caadiga ah ay iska sii wataan.

Maalintii Axadda kooxdan gooni u gosadka oo doonaysa madaxbanaani ay helaan dadka Koonfurta Yaman ayaa waxay la wareegeen dhismooyiin ay dowladda leedahay.

Dagaalkan ayaa la sheegay in ilaa iyo imika ay ku dhinteen 21 qof.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga