Dagaalka u dhexeeya ciidanka dawladda ee ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay iyo kuwa daacadda u ah Gen khalifa xaftar ayaa kusii fidiya Hareeraha Magaalada Caasimadda u ah dalka libiya ee Tripoli.

Kumanaan qof oo isugu jira barakacayaal iyo tahriibayaal oo lagu haysto xeryo badan oo ku yaala magaalada Tripoli ayay soo foodsaartay cabsi aad u badani, iyagoo sheegaya in aanay garanayn wax ku dhici doona xili dagaalku uu sii xoogaysanayo.

Gen khalifa xaftar madixii hore ee ciidanka dalka libIya ayaa ciidamAda uu wato ku amray in ay la wareegaan gacan ku haynta magaalada caasimadda ah, oo fadhi u ah dawladda ay Qarmada Midoobay aqoonsantahay ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare fais al Siraaj, oo isaguna wacad ku maray in uu difaacan doono Tripoli.

Inkasta oo ay iskasoo daba dhacayaan baaqyada ku wajahan in xabadda la joojiyo, hadana dagaalka ayaa sii xoogaysanaya, iyadoo tobaanaan qofna laga dilay labada dhinacba.

Warbaahinta aljazeera ayaa la hadashay qaar ka mid ah dadka tahriibayaasha ah ee lagu hayo xeryaha magaalada tripoli, oo isticmaalayay moobilo qarsoon.

Waxay sheegeen in aanay haysan cunto iyo caabitaan midnaba, xili qaarkood ay ku dhaw yihiin furimaha lagu dagaalamayo.

Tahriibayasha qaar ayaa lagu qasbay in ay daadgureeyaan hubka lagu dagaalamayo, taas oo cabsi badan galisay kumanaanka isugu jira qaxootiga iyo tahriibayaasha oo qaarkood xataa korontadu ka go’day.

Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa ka dayrisay xaalada dadka muhaajiriinta ah ee ku dhex go’doonsan aagaga dagaalka, oo ay adag tahay in la gaadhsiiyo gargaar bini’aadamnimo.

Dagaalka lagu kala difaacanayo magalada Tripoli ayaa u muuqda mid aan istaagaynin, illaa inta kooxaha Shayaa ay dhan u kala dhacayaan, maadaama labadda dhinacba ay Wacad ku mareen Qabsashada Caasimadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga