Dagaal ayaa Isniintii dib uga qarxay magaalada dekedda leh ee Yemen ee Xudayda xilli ay socdaan dadaallo ku wajahan sidii xabad joojin loo gaadhi lahaa.

Saraakiisha milatariga Yemen ayaa ku eedeeyey kooxda Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto inay rasaas ka billaabeen qeybta bari ee magaalada. Ciidamada dowladda taageera iyo xulufada Sacuudiga uu hogaamiyo ayaa iyagana ku jawaabay duqeymo.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan dowladda Yemen ayaa ku eedeeyey Xuutiyiinta inay gantaalo ku rideen dalka Sacuudiga, balse uu ku guul-darreystay inuu gaadho Sacuudiga oo ku dhacay gudaha Yemen.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Xuutiyiinta oo dagaalka la xidhiidha, balse waxay Isniintii sheegeen inay joojinayaan gantaalada ay ku weeraraan Sacuudiga.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay inay u hogaansami doonaan baaqa QM ee xabad joojinta, haddii Sacuudiga “ay nabad doonayaan”

Sacuudiga iyo xulafadooda Imaaraadka Carabta aya toddobaadkii tagay sheegay inay soo afjari doonaan dagaalka Xudayda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga