Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Howlgalka Midowga Africa Amisom Oo Wata Gadiidka Dagaalka Ayaa Subaxnimadii Hore Ee Saaka Ka Anbabaxey Magaalada Beledweyne,Kuwaaas Oo Ku Wajahan Degmada Buula-Burte Ee Gobolka Hiiraan, Iyaga Oo Sii Maraya Deegaannada Ay Gacanta Ku Hayaan Al-Shabaab.

Howlgalkan Oo Uu Horkacayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeynte Cismaan Ayaa Noqonaya Mid Ka Mid Ah Howlgaladii Ugu Adkaa Oo Ciidamada Dowladda Iyo Amisom Ka Sameeyaan Deegaannada Ay Ku Xoogan Yihiin Al-Shabaab.

Warar Soo Baxaya Ayaa Sheegaya In Dagaal Culus Uu Dhaxmaray Ciidamada Dowladda Iyo Dagaalamayaal Ka Tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Militariga Gobolka Hiiraan Ayaa Sheegay In Howlgalka Yahay Mid La Doonayo In Lagu Furo wadooyin Ay Xidheen Al-Shabaab.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga