dagaal Culus Oo u dhaxeeyay ciidamada Somalia iyo Al-shabaab Ayaa Xalay Ka Dhacay deegaanno hoos Yimaada gobolka Bakool,

Sida Ay Sheegayaan dad Goob Jogayaal Ahi Dagaalka Waxaa Qaaday ciidamada dowladda Federaalka Somalia.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa Warbaahinta U sheegay in weerarkan ay ku dileen 10 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsanaa, ayna dhaawaceen Darsin kale.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in laga dilay 5 Askari.

“Al-shabaab waxaa ay dhibaato badan ku hayaan Shacabka, waxaan diyaar u nahay in aan furno dhammaan wadooyinka, kana dulqaadno shacabka dhibaatada meelo badan ayaan isku horfadhinaa, dhawaana weerarro ayaan ku qaadi doonaa haddii Alle idmo” ayuu yidhi guddoomiyaha Xudur.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan ciidamada Koonfur Galbeed Ku Amray in ay qaadaan dagaallo ka dhan ah AlShabaab, si looga saaro guud ahaan degaanada maamulka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga