Shacabka itoobiya ayaa in kabadan 350-Milyan oo geed ku beeray muddo hal maalin ah, iyadoo ka qayb ah oloaha ay itoobiya ugu jirto dhir beerista iyo la dagaalanta saamaynta cimilada aduunka ee isbedlaysa.

Getahun mekuria oo ah wasiirka ikhtiraaca iyo tiknoolajiyadda itoobiya ayaa sheegay in muddo 12 saacadood ah ay ku beereen dhirtan ka badan 350ka milyan.

Dhirta la beeray oo kabadan kuwii hore loo qorsheeyay oo ahaa 200-Milyan oo geed, ayaa dhigaya rikoodh kale oo caalami ah. Iyadoo taa micnaheedu ay tahay in ay noqonayso markii koobaad ee dhir intaas le’eg hal maalin lagu beero guud ahaan caalamka.

Raysal wasaarha itoobiya abiy ahmed oo hor kacaya dedaalo uu sheegay in itoobiya cagaar loogu bedlayo ayaa bishii may daahfuray mashruuc uu ula dan leeyahay in marka la gaadho bisha oct, itoobiya laga beero 4-Bilyan oo geed.

Qaar ka mid ah shaqaalaha dawladda iyo iskuulada ayaa la fasaxay si ay uga qayb qaataan ololahan dhir-beerista ah ee ay wado dawladda itoobiya.

Shacabka itoobiya oo ah kuwa labaad ee ugu dadka badan qaaradda afrika ayaa si baalaadhan uga qayb qaatay dhirbeeristan oo guud ahaan itoobiya laga hirgaliyay.

Dedaalda xukuumadda adis ababa ayay si wayn u bogaadisay Qaramada midoobay, iyo hay’adaha u dooda arimaha cimilada. Iyagoo wadadmadda kale ee afrikana ugu baaqay in ay ku daydaan talaabada ay qaaday dawlaadda itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga