Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay halka kumanaan kalana ay hoy la’ aan yihiin kadib kadib roobab xoogan oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay dalka zimbabwe iyo wadamo kale oo ku yaala koonfuta bari ee qaarada afrika.

Roobabka ayaa jaray koronta deegaanada bariga dalka zombabwe halkaas oo illaa 40 qof la la’yahay, lagana cabsi qabo in ay daadadku qaadeen.

Dadka ayaa ka qaxaya guryahooda iyagoo gabaad ka dhiganaya meelaha taagga ah ama buuraha, iyadoo dabaylo aad u xooganani ay curyaaminayaan kooxaha gargaarka iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Wasaaradda warfaafinta dalka zimbabwe ayaa sheegtay in  ay jiraan deegano go’doonsan oo daadadku ay xidheen, halkaas oo laga cabsi qabo in khasaare badani uu ka dhalato. Ciidanka dalka zimabwe ayaa hor kacaya hawlaha Samatabixinta, Waxaana guud ahaan dalka lagaga dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Dawladda ayaa dalbnaysa gargaar iyadoo ay guud ahaan roobabku saameeyeen boqolaal kun oo qof, oo qaarkood ay dalagyadii ka baaba’een halka qaar kalana ay hoy la’aan yihiin.

Dalka muuzambiik ayaa isagana roobabka ay ka dhasheen khasaare culusi. Dabaylo sacadiiba jaraya 177-km iyo roobab is wata ayaa ku dhawaad nus milyan qof saameeyay. Ku dhawaad 350 qof ayaa illaa imika ku nafwaayay, halka dadkabdan 600-Kun oo qofna ay ku barakaceen

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga