Ugu yaraan todoba qof oo dibadbaxayaal ah iyo hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada amaanka ayaa ku nafwaayay halka in kabadanina ay ku dhaawacantay rabshado ka dhacay magaalada khartuum ee caasimadda dalka sudan.

Rabshadaha ayaa dhacay saacado kadib markii hogaamiyayaasha dibadbaxyada iyo golaha milatarigu ay isla qaateen in lasoo dhiso dawlad ku meel gaadh ah oo sudan gaadhsiisa doorasho rasmi ah.

Kacdoonkan cusub ayaa imanaya xili maalintii shalay ahayd uu xeer ilaaliyaha guud ee sudan shaaciyay in madxweynhii xukunka laga tuuray ee cumar albashir lagu maxkamadeeyay eedo tilmaamaya in uu ka danbeeyay dilka shacab badan oo mudaharadayay.

Cumar xasan albashir, oo sudan u talinayay muddo 30 sanno ah ayaa bishii hore xukunka ka dagay, kadib bilo ay socdeen mudaharaado lagu diidan yahay xukunkiisa.

Kumanaan qof ayaa wali tuban banaanka ka horeeya xarunta taliska guud ee ciiidamada sudan, iyagoo dalbanaya in lasoo dhiso dawlad aanay meelna kasoo galin milatarigu. Saddex askari iyo tiro dibadbaxayal ah ayaa maanta ku dhaawacmay rasaas aan la aqoonsan cida riday.

Si kastaba ha ahaatee, milatariga talada sudan haya iyo hogaamiyayaasha dibadbaxyada ayaa horumar gaabis ah ka samaynaya xal u helida qaska ka taagan dalkan ku yaala waqooyibari qaarada afrika. Iyagoo imika sheegaya in ay isla qaateen habka losoo dhisi lahaa dawlad ku meel gaadh ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga