Koox saynisayahano isara’iliiyn ah ayaa sheegay in Sannad gudihii ay Rejeynayaan in ay soo saari doonaan daawadii ugu horaysay ee dhamaystiran oo lagu daawayn doono cudurka kansarka oo sanadihii ugu danbeeyay kusoo badanayay bulshada caalamka, sida uu daabacay Wargeyska The Jerusalem Post ee kasoo baxa Magalaada Qudus.

Saynisyahanada ayaa tibaaxaya in meel wanaagsan ay marayso horumarinta ay ku samaynayaan dawadan oo hadii ay ku ggulaystaan ahaan doonta dawo wax ka qabata cudurkan, inkasta oo aanay marnaba noqon doonin daawo lagula tacaali karo dhaammaan noocyada kansarka oo dhan.

Saynisyahano kale ayaa shaki galinaya suurtagalnimda arintan, balse kooxda isra’iiliyinta ah ayaa sheegaya in daawadda ay soo saarayaan ay jaban tahay, waxtar isla markaana aanay dadka ku yeelan doonin wax saamayn xun ah.

Warkan ayaa Rejjo galin kara dad badan, maadaama oo sanad walba dunida lala tacaalo kiisas gaadhaya 18 million oo kiis oo la xidhiidha cudurka kansarka, sida uu sheegay ururka diraasaadka kansarka dunidu.

Ururka ayaa intaa ku daray in lixdii qof ee dunida ku dhintaba uu mid ka mid ahi u dhinto cudurka kansarka, kaas oo ka dhigaya cudurkan kan labaad ee dunida loogu dhimashada badanyahay marka laga yimaado wadno xanuunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga