Rabshadaha isirika ku salaysan ee dalka jamhuuriyada dimuqraadiga ah ee Congo ayay bishii hore ku dhinteen dad gaadhaya 900 oo Ruux. Dadkaas ayaa ku dhintay muddo saddex maalmood oo kaliya ah, sida lagu sheegay warbixin ay dhawaan soo saartay qaramada midoobay.

Dagaalada ayaa u dhexeeyay qabaa’ilka lagu kala Magacaabo Banunu iyo Batende waxaanay ka dhaceen deegaan laydhaahdo yumbi oo dhaca dhanka bari ee wabiga congo, sida uu sheegay xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramda midoobay.

Badi dadka deegaanadaa dega ayaa barakacay, iyadoo doorashadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalka congona aanay ka dhicin deegankan, sababo la xidhiidha rabshadaha.

Dadka barakacay ayaa tiro ahaan gaadhaya 16-Kun oo qof oo qoxooti ahaan u degay deeegaanda u dhaw dhaw.

Illaa 465 guri ayaa dab la qabadsiiyay, iyadoo ay ku jireen iskuulo, suuq laga dukaamaysto iyo xarumo caafimaad.

Baadhitaankan uu sameeyay xafiiska xuquuqal insaanka ee Qaramada midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in dad gaadhaya 82 qof ay ku dhaawacmeen, iyagoo intaa ku daray in ay qabaan in tiradu intaa ka badantahay.

Rabshadahan mashaqada badan dhaliyay ayaa ka dhashay, kadib markii mid ka mid qabaa;ilka dagaalamay ay doontay in caaqil ka dhintay ay ku aasaan dhulka qabiilka kale, taas oo dhalisay dagaalada ay ku dhinteen dadka ku dhaw 900 ee qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga