Naadiga Kubada cagta ee Turkish, Amateur club ayaa xaqiijiyey inuu geeryooday mid kamid ah ciyartooyga u ciyaara oo u dhashay wadanka Nigeria Mr, Ekundayo Ebenezer Mawoyeka oo xaga hore uga ciyaari jiray nadigaasi, ciyaar dhacday malintii Axada.

Ciyaaryahankan oo ahaa 23 Jir ayaa dhacay markay ciyaartu maraysay daqiiqadii 35aad ciyaartan ayay naadigani la ciyaarayeen naadiga Yesilkoyspor oo ka dhacaysay Garoonka Servergazi Stadium ee Wadanka Turkey.

Mawoyeka ayaa dhimashadiisa la xaqiijiyey markii la gaadhsiiyey Cisbiyaal Denizli State Hospital, taas oo la sheegay in ay keentay wadnaha oo istaagay.

Ciyaarta ayaa la joojiyey si loogu baroordiiqo ciyaaryahankan ku dhex geryooday garonka.

Naadigan ayaa bartooda Facebook ku sheegay inay aad u xanuun badnayd inu ciyaartooygan daqiiqadi 35-aad ku dhex geeriyoodo ciyaarta, Sidoo kale Safaarada Turkey ee Nigeria ayaa xaqiijisay geerida ciyaaryahankan tacsina u dirtay qosykiisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga