Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xalay hawlgal ay sameeyeen  kusoo qabteen  khamri tiro badan oo si xeeladaysan loogu iibin jiray mid kamida meheradaha laga xiirto ee ku yaalla Magaalada Hargeysa Meharadaas oo magaceeda la yidhaa (Somalialnd Peace ).

Afhayeenka Ciidamada Somaliland Faysal Xiis Maxamed ayaa sheegay in ciidamada Booliska oo aadeegsanaya waayo-aragnimada iyo aqoontooda baadhitaaneed ay soo qabteen 5 eedaysano oo hab cusub u adeegsanaya ka ganacsiga khamriga iyagoo usoo eekaysiiyey caagadaha laguu iibiyo saliida timaha la marsado.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga