Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka doodaya xaaladaha Soomaaliya iyo Go’aankii Dawladda Soomaaliya ay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Dalka Kaga Mamnuucday.

Wakiilka Xogheyaha Guud ee Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya ayaa Khudbad uu Kaga Hadlayo Xaaladda Siyaasadda Soomaaliya ka Horjeediyey Golaha Amaanka.

Ergayga Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa Khudbadiisa waxaa uu Dawladda Federaalka Soomaliya ku amaanay horumarka ay ka sameeyeen maareynta maaliyadda, ballaadhinta dakhliga gudaha, habka federaalka, dhismaha hay’adaha iyo hirgelinta qaabdhismeedka Amniga.

Nicholas Haysom ayaa Sidoo Kale sheegay in Caqabadda ugu Wayn ee Hortaagan Amniga Soomaaliya ay tahay Kooxaha Argagixisadda.

Mr Haysom ayaa sheegay in Faragelintii dawladda Federaalka ku Samaysay Dooraashadii ka Dhacday Koonfur Galbeed iyo Xadhigii Musharax Mukhtaar Roobow ay Sababtay rabshado ay Ku dhinteen Dad Badan isaga oo Xusay in ay Arintaasi ay wax Wayn u dhimi doonto geeddi-socodka doorashooyinka gobollada Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaan Gabi ahaanba Khudbadiisa aan Kusoo Hadal Qaadin go’aankii Dawladda soomaaliya Kaga Mamnuucday Dalkeeda.

Dhinaca Kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abukar Cusmaan oo isaguna Khudbad ka jeediyey Gollaha Amaanka ayaa sheegay in xukuumaddiisu aanay Marna Aqbali doonin faragelin Lagu sameeyo Arimaha Gudaha Soomaaliya isaga oo Xusay in ay dhaleeceynayaan Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Dawladda Soomaaliya ayaa weydiisatay xoghayaha guud ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in Nicholas Haysom uu Sida ugu Dhakhsaha Badan uga Baxo Dalka iyadda oo ku eedaysay  “in uu farageliyey arrimaha gudaha dalkeeda”.

Tallaabadan ay Dawladda Soomaaliya Dalkeeda Kaga Eriday Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa ka Danbaysay kadib markii uu Ergaygu warqad u diray wasiirka amniga gudaha, isaga oo su’aal ka keenay sharciga loo Maray Xadhigii loo gaystay  Mukhtaar Roobow, oo ahaa hoggaamiyihii hore ee ururka al-Shabaab, isla Markaana u Tartamayey Xilka Madaxwaynaha Koonfur galbeed soomaaliya, iyo dibad-baxyadii ka dhacay Baydhabo, taas oo sababtay dhimashada 15 qof oo rayid ah iyo ku dhowaad 300 qof, oo Xabsiga loo Taxaabay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga