Dadka  ayaa cabayay Bunka  illaa qarnigii 15-aad , ayaa sayniska  ayaa sharaxaad ka bixiyey faa’iidada caafimaad  ee ku jirta.

Haddii aanad cabin Bunka cilmi-baadhistan  ayaa wax ka badeli doonaa wixii aad maanka  ku haysay

Bunka  ayaa hoose u dhiga  khatarta keeni karta dhimashada

Cilmi- baadhistan  Ingiriiska lagu sameeyay , ayaa waxa ka  qaybgalay 50,000 oo qof oo caadesyatay cabitaanka Bunka   in ka dhimasho yar yar yihiin dadka kale , waxaana cilmi baadhis   la waday 10 sanno.

Cilmi -baadhista waxa samaysay jaamacada Nothingham  ee dalka Ingiriiska khuburada ayaa cabirayey xaraarada  unugyada qoorta ee qofka .

Dr Geofrey James  waxa sheegay in aan la ogaan   in maadada Coffein ee Bunka ku jirta ay baruurta  iyo in kale

Waxa  la sheegay in la khimaamaynayo dhimashada , waxaana  ay arrintan abuuraysaa dood .

Bunka  waxa la  sheegay in 10,000 oo  curiyo ay ku jiraan ,kuwaasoo  unugyada ka ka ilaaliya dhaawac  soo gaadha .

Dalka  Spain cilmi-baadhis tan xidhiidh  la leh oo sameeyay oo tijaabo laga qaaday 20,000 oo  qof, waxa lagu ogaaday in dadka ka weyn 45 jirka 30% ay dhimashadoodu yartay, marka ay maalin kasta  cabaan laba koob oo Bun ah .

Dalka Mareykanka  cilmi- baadhis ay samaysay waaxda  caafimaadka ee jaamacada Harvad oo ay ka  qayb galeen 30,000 oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaalisooyin  caafimaad , waxa in isticmaalka Bunku hoos u dhigo dhimashada ay sababaan  wadne-xanuunka , faaliga , macaanka iyo cudurada ku dhaca maskaxda .

Cabitaanka koob Bun ah maalintii  waa fursad 6 % ka badbaadinaysa sabab ada u dhiman lahayd , haddii  aad cabto shan koob , waxa meesha ka baxaysa dhimashada 15 %.

Cilmi-baadhis  kale oo samaysay xarunta Framingham heart study  oo ta ugu wakhtiga dheer cilmi-baadhisaha caafimaadka samaysa Mareykanka  oo lagu baadhay 5,209 qof , ayaa lagu ogaaday in isticmaalka Bunku dhimashada hoos u dhigo.

25,000 qof Kuuriyada  Koonfureed oo la baadhay , waxa  la ogaaday in la dhex dhexaad la cabo Bunku ay muujiso calaamadaha ka diga wadne-xanuunka

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga