Maalinta caalamiga ah ee musuq maasuqa ayaa  hay’adda caalamiga ah ee Transparency International  sheegtay in kala badh dadkii xog ururinta lagu waresytay 35-wadan oo Afrikaan ah,  ay aaminsan yihiin musuq maasuqu ka sii darayo , waxa u malaynayaan in dawladuhu in aanay ula dagaalamayn  si wanaagsan.

Xog ururinta ah oo tii ugu weynayd  ee muwaadiniintu ay aragtidooda kaga dhiibanayaan, waxaana  wax laga weydiiyey musuq maasuqa 47, 000 oo qof fikirka ka haystaan musuq maasuqa iyo lacagta  sharci darada loo bixiyo.

Waxaana ay natiijadu muujisay afartii qofba mid bixiyo laaluush  si uu fursad ugu helo adeegyada dadweynaha sida waxbarashada iyo caafimaad , waxa aanay tiradaasi noqonaysaa 130-milyan.

Warbixinta ayaa iftiimisay in musuq maasuqu  saamayn ku yeeshay dadka nugul iyo saboolka, dhalinyarada ayaa bixiya laaluushka ka badan ka dadka 55-jirka weyn 

Musu maasuqa  ayaa hagar daamo ku ah dhaqaalaha , siyaasada  iyo horumarka bulshada, waana darbi ku gudban koboca dhaqaalaha , dawlad wanaaga iyo xoriyada aas-aasiga ah  sida xoriyatul qawlka oo dadka dawladda la xisaabtamaan sida ay sheegtay Patricia Moreira agaasimaha Transparency International.

Booliska  ayaa la sheegay in uu yahay hay’adda ugu musuq maasuqa badan, waxaana  47% dadku aamiinsan yihiin boolisku oo dhammi musuq maasuq sameeyo, dad badan ayaa rumeysan in saraakiisha dawladda iyo mudanayaasha  Baarlamaanku in ay yihiin Kuwo musuq maasuqa meel sare kaga jira, booliska ayaa qaata laaluushka ugu badan Afrika .

Xog ururnta  ayaa dadka loola kulmayey si fool ka fool ah, waxaana  la wareystay 47,105 oo ku kala sugan 35 wadan , waxaana   dadku ahaayeen kuwo ka weyn da’da 18 jirka, iyada oo xogta la ururiyey intii u dhaxaysay  September 2016 illaa September 2018.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga