Kooxda Barcelona ayaa guul 3-0 ah ka gaadhay kooxda Real Madriid kulan ciyareedkii ka tirsanaa tartanka boqorka Spain wareegiisa Semi finalka .

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso badan waxaana ka tirsanaa tartanka boqorka Spain , Qaybtii koowaad ee kulanka wax gool ah la iskama dhalin oo waa la is mari waayey.

Ciyaaryahanada labada dhinac waxa ay heleen jaanisyo dhowr ah balse midna kama uusan faa ideysan jaanisyadaadas Qaybtii koowaad.

Wiilasha kooxda Barca ayaa dar dar xoogan la soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta waxaana ay la yimaadeen sedeni gool oo wadna qabad ku noqday taageerayaasha iyo ciyoortoyda kooxda Madriid.

Laacibka xulka qaranka Urugay ee Luis Suarez ayaa ka dhaliyey kooxda Madrid goolasha loo yaqaano sedex leyda , labo kamida goolasha uu dhaliyey waxaa caawiye ka ahaa wiilka reer Farance ee Osmane Dambele .

Ugu Danabyn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 Madrid ayaana awoodi Wayday in ay la yimaadaan xitaa gool iyaga oo ku ciyaaraya ciidooda , balse waxaa xusid mudan in markale todoobkan soo socda bilowgiisa ay isku arki doonaan kulan ka tirsan horyaalka La Liga .

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga