Madaxweynihii hore ee dalka marykanka ayaa shacabka dalkiisa ugu baaqay in aanay dhag u dhigin wax uu ku sheegay hadalada nacaybka leh ee kasoo yeedhaya qaar ka mid ah hogaamiyayaasha marykanka.

Brack obama oo si naadir ah hadalkan u yidhi ayaa u muuqday mid u duur xulaya madaxweyne trump oo maalin uu ka hor eeedaymo u jeediyay dadka soo galootiga ah.

Trump ayaa weerardii ka dhacay dalka maryknka ee dadka badan lagu laayay maalmihii sabtida iyo axdda ku eedeeyay dadka muhaajiriiinta ah, isagoo sheegay in dib u habaynta uu ku samynayo hanaanka qaxootiga maryknka ay caawin doonto in weerarada noocaas oo kale ahi aanay dib u dhicin. Balse hadaldiis aayaa mar kale lagu tilmaamay qaar cunsuriyadaysan.

Obama ayaa shacabka amerikaanka ah ugu baaqay in ay diidaan kalmadaha nacaybka iyo cunsuriyada ah ee kasoo baxaya qaar ka mid ah hogaamiyayashooda. Obama wuxuu intaa ku daray in maryknka aanay meelna ku lahayn dadka sidaas u hadlayaa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Inkasta oo aanu si toos ah cidna u carabaabin, hadana waxa la arki karaa in obama uu daba socdo hadalada trump ee muranka dhaliyay.

Madaxweyne donald trump ayaa intii murashaxa iyo hagaamiyaha ahaaba aan marna qarsan siyaasadihiisa kasoo hor jeeda muhaajiriinta. Iyo hadalada uu ku duro dadka madaw.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga